AMISOM oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay duqeyntii Kismaanyo

Taliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad isaga fogeysay Duqeymihii maalmahaani ka socday Magaaladda Kismaayo

Afayeenka Ciidamada Midawga ee AMISOM Col Cali Aadan Xumed oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in AMISOM aynan masuul ka ahayn Duqeymaha lala beegsanaayo Goobaha bulshada rayidka ay kaga sugan yihiin Magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM aynan lahayn wax Maraakiib Dagaal iyo Diyaarado ah Howl galkooduna uu hada ku egyahay Mid Dhulka oo kaliya ah wixii intaa dheer ay masuuliyadeeda qaadi doonto Dowladda Kenya

Afhayeenka ayaa intaa kusii daray in Caalamka ay isha ku hayan dhaqdhaqaaqyada Millitery ee AMISOM iyaguna ay arintaasi marqaati ka ahaan doonaan hadii AMISOM ay qeyb katahay Duqeymaha Cirka ah ee loo geysanaayo Kismaayo

Hadalka Afhayenka Ciidamada AMISOM ayaa kusoo beegmaya xili Diyaarada Dagaalka ay dhowr jeer Dad Rayid ah ku dileen Duqeyn Maraakiibtuna sidaas oo kale Dhamaantoodna waxaa Sheegatay Dowladda Kenya Ciidamadeeda AMISOM  Magaceeda ku howl galaya .

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.