Militariga Somalia oo kor ka eegaya Kismaanya

Militariga Soomaaliya ayaa sheegay inaysan mar kaliya gudaha u soo wada geli doonin Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, oo aysan xilligaan joogin Xoogaga Shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Militariga ee Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka General Ismaaciil Saxardiid oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inaysan ku deg deggi doonin gelista Magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ay gudaha u geli doonaan Magaalada Kismaayo, balse wuxuu sheegay inaysan si raxan raxan leh u geli doonin, oo ay u geli doonaan sida uu yiri si teel teel ah.

General Ismaaciil Saxardiid ayaa wuxuu ugu baaqay dadka inay is-dejiyaan, isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan cidii ku kacda bililaqo xarumihii dowladda ay laheyd.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay is dejiyaan, ma ogolaaneyno wax bililaqo inay ka dhacaan xarumihii dowladda ay laheyd.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Militariga ee Gobolada Jubbooyinka.

Jananka ayaa wuxuu xusay inaysan Al Shabaab uga daba hari doonin Deegaan walba oo ku yaalla Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, isla-markaana ay xoog uga saari doonaan sida uu sheegay.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.