waxaa saaka haawanaya oo cidlo ah magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose halkaasoo ay xalay saq dhexe ay isaga baxeen dagaalyahanada Alshabaab oo halkaasi mudo maamulayay.
Ciidamo Kenyaati ah iyo kuwa Soomaali ah oo awalba dagaal kula jirey alshabaab ayaa saaka la sheegay inay gudaha u galeen inkastoo wararkaasi aan la xaqiijin iyadoo wararka qaar sheegayaan inay afaafka hore ka degan yihiin oo aysan wali gudaha isku faafin.
Warar dhanka alshabaab laga helaay ayaa xaqiijiyay inay xalay saq dhexe uga baxeen magaalada amar madaxda sar sare ee alshabaab kaga yimid sidaa daraadeedna ay dhamaan qalabkoodii iyo xafiisyadoodiiba ka rarteen magaalada.
Warbaahina taagerta alshabaab ayaa lagu daabacay in shir madaxda sar sare xalay oo dhan u socday in ugu danbeyn xalay saq dhexe la amray maamulka alshabaab ee gobolada jubooyinka inay baneeyaan magaalada Kismaayo xili shalay ay shaaciyeen inay difaacan doonaan magaalada.
Wararka madaxa banaan ee aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada Soomaaliyeed inaaney wali isku balaarin magaalada oo ay saaka tahay mid haawaneysa ayna jirin wax ciidamo ah gudaha magaalada u galay marka laga reebo xaafadaha kulaala xeebta duleedka Kismaayo oo ciidamada kenya iyo kuwa Dowladaba ay shalay soo gaareen.
Lama yaqaan sida xaaladu isku badasho saacadaha soo socda iyadoo shabaabkuna sidii lagu bartaybay magaaladey ka baxaan ka bilaabaan dagaalo ku dhufoo a dhaqaaq ah sida qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee xiliyada habeenkii ah.
Dowada Kenya saraakiishoda warfaafinta ayaa shaleyba sheegtay inay magaalada ka saareen xoogaga alshabaab inkastoo warkaasi beenoobay markii la ogaaday in ciidaamda alshabaab ay magaalada Kismaayo wali maamulayaan.
Si kastaba go’aanka alshabaab ayaa imaanaya xili shalay cir,dhul iyo badba laga duqeeyay magaalada Kismaayo iyadoo warar soo baxay xitaa sheegayeen in ciidamada reer galbeedka ee badda ku sugan ay u fududeeyeen in kenyaatigu kismaayo ka soo galaan dhanka badda islamarkaana ciidan iyo duqeynba ka qeybqaateen.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login