Xafiisyada Shabaab Kismaanyo oo la bililiqeysanayo

Boob iyo bililiqo aan kala joogsi laheyn ayaa waxay maanta ka soconeysaa Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, taasoo ka dambeysay markii ay xalay Magaalada Kismaayo iskaga baxeyn Xoogaga Shabaab.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa markii ay ku soo tooseen in magaalada wax ciidan ku sugneyn, ayaa waxay durba bilaabeen inay ku qamaameen xarumihii iyo saldhigyadii ay ku sugnaayeen Shabaab.

Shacabka reer Kismaayo ayaa waxay boobka iyo bililiqada ugu badan ay ka wadaan Saldhiga Magaalada Kismaayo, Xaruunta Magaalada Kismaayo, Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose oo ku taalla Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in shacabka reer Kismaayo ay boob ballaaran ka geysteen Fagaaraha Beerta Xuriyada ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay Xoogaga Shabaab kula hadli jireyn dadka reer Kismaayo.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin boobka iyo bililiqada xoogga badan ee maanta ka soconeysa Magaalada Kismaayo, kadib markii ay xalay iskaga baxeyn Xoogaga Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.