Ciidamada Dowladda Kenya ee duulanka ku ah Magaaladda Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay in kabadan 30-Ruux oo lala xiriirinaayo inay kamid yihiin Kooxda Alshabaab ee Magaaladaasi ka amrin jirtay
Dadka la qab-qabtay ayaa isugu jira dhalinyaro iyo Odayaal kuwaasoo la sheegay inay hiil iyo hooba isugu dari jireen Shabaab waxaana laga soo aruuruyay Agagaarka Xeebta Kismaayo iyo deegano ku dhawdhaw
Qabashada Raggaasi ayaa imaaneysa xili Ciidamada Kenya ay la wareegen Gacan ku heynta magaaladaasi waxaana iminka socda Baaritaano ay ku hayan qaar katirsan Goobaha ay ka baxeen Alshabaab
Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi qaar ay ku arkeen iyaga oo sita Bastoolado islamarkaana ay kaga shakiyeen inay Duulan hoose ku yihiin Ciidamadda, dadka deeganka oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegaya in Dadkaasi ay ku la’yihiin nolol iyo geeti toona waxa ayna tilmaamen inay Ciidamada ka codsadeen in dhalinyaradooda loosii daayo hayeeshe waxa ay sheegen inay arintaasi ku guul dareesteen
Macadda halka ay iminka ku sugan yihiin dadkii la qab-qabtay balsw wararka ayaa sheegaya in loo dhaadhiciyay dhanka Xeebta oo fariisimo muhiim ah u ah Ciidamada Kenya.
______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login