In ka badan 50 Arday oo dhameystay barashada maadooyin kala duwan ayaa Maanta Shahaadooyin gudoon siiyeen Maamulka iyo macallimiinta Atlas College oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Munaasabad weyn oo ardaydaan Shahaadooyinka lagu gudoon siinaayay ayaa lagu qabtay hoolka Islii Mall, waxaana kasoo qeyb galay waalidiin, macallimiin, Saxafiyiin iyo marti sharaf kale.
Maamulaha guud ee qeybaha kala duwan ee machadka Atlas College C/Casiis Axmed Gurbiye oo munaasabadda ka hadlay ayaa ardayda waxbarashada dhameysatay ugu baaqay in ay sii wadaan barashada culuumta kala duwan, isla markaana wax ku taraan dadkooda iyo dalkooda wixii ay barteen.
Madaxa qeybta Caafimaadka ee Machadka Atlas College Macallin Qadar Maxamuud Diiriye ayaa isaguna kula dardaarmay ardayda dhameysatay barashada Caafimaadka in ay Shacbka ugu shaqeeyaan oo ay wax ku taraan wixii ay barteen, isagoo ballan qaaday in ardayda jecel barashada Caafimaadka Machadku diyaar u yahay in uu ka haqabtiro.
Machadka Atlas College ayaa ka mid ah Machadyada fara ku tiriska ah ee Soomaalida ku leeyihiin Islii, waxaana laga bartaa dhamaan qeybaha kala duwan ee waxbarashada.
By, Ibraahim Geedow Cawaale (Biibbo), Nairobi_Kenya, injineerka3@hotmail.com
________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login