Dowlada Somalia oo ka hadashay fatahaada wabiga Shabelle

Sii hayaha Xilka wasiirka Beeraha Dowladda Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheikh xuseen oo Saxaafada kula hadlay Gudaha magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay arin la Xiriirta Fatahaadii uu Sameeyay Shalay Wabiga Shabelle oo ay Dad Badani ku Geeriyoodeen .

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya aad uga Xuntahay ayna Dhibaatada la qayb saneyso dadkii halkaa ku dhibaatoobay ee uu wabigu ku fatahay isagoo balan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay gar gaar Deg Deg ah la gaareyso sida ugu Dhaqsaha Badan dadkaasi.

Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen ayaa la weydiiyay Sida ay Gar gaaarka ku Gaarsiinayaan dadkaasi waxaana uu sheegay in Deg Deg ay uga Jawaabayaan Dhibaatada Dadka Gaartay iyagoo usii Marsiinaya gar gaarka hay,adaha samafalka .

Wasiirka ayaa waxaa uu ka Codsaday hay,adaha Gar gaarka iyo Dowladaha Soomaaliya la dariska ah in ay gar gaar Deg Deg ah ay la soo gaaraan dadka Ku dhibaateysan Gobolka Hiiraan qaybo ka mid ah .

Wabiga Shabelle ayaa Shalay waxaa uu ku Fatahay Xaafado Badan oo ka mid ah Magaalada Beledweyne waxaana uu Geestay Khasaaro badan oo naf iyo Maal Bur buray isugu Jira iyadoo wararkii ugu Dambeeyay ee Beledweyne laga helayana ay Sheegayaan in Dadkii Guryahooda ay biyuhu Bur buriyeen laga saaray xaafadaha wabigu ku fatahay loona Raray dhanka Banaanada magaalada.

 

 ___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.