Prof. Jawaari hadii aan dhimano dadka waa la helaa!!

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba niyad-jab aysan ka sameyn falalka dilalka ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, asagoona jawaab cad ka bixiyey hanjabaadii Baarlamaanka iyo xildhibaanada uga timid dhanka Al Shabaab.

Prof.Jawaari ayaa sheegay in xiligan aysan shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn inay dib uga noqdaan dadaalka ay ugu jiraan sidii wadankooda dowlad rasmi ah uga hirgeli lahayd. Wuxuuna sheegay in marnaba aysan niyad jab ku rideen shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed falalka dilalka iyo weerarada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Prof.Jawaari oo ka hadlayey hanjabaadii dhawaac ay shaacisay Al shabaab oo ahayd in ay Hal-Hal u dili doonaan dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay hadalkaasi mid aan waxna ka bedali doonin hawsha ay Qaranka u hayaan asagoo yiri:

”  Hadii dhamaanteen Baarlamaanka xubnaha kamid ah ee 275ta ah la dilo, shacabka Soomaaliyeed waxay soo dooranayaan 275 Xildhibaan oo cusub “

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xariirta Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood kuraastooda isku heystaan shaqsiyaad kala duwan, asagoo sheegay in hawshaasi ay hada tahay mid aan u ool Maxkamadaha balse ay u taal Baarlamaanka oo guddi u saaray arrintan, asagoo sheegay in arrimahaasi la xalin doono.

 

 ____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login