Qulqulka dilalka oo ku sii siqaya magaalada Kismaanyo

Magaalada Kismaayo ayaa waxa dilal qorsheysan oo xoogan ka geysanaaya kooxo dhalinyaro ah oo indhaha u duuban, kuwaa oo leynaaya shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Iyadoo ilaa xalay fiidkii afar ruux siyaabooyin kala duwan loogu geystay dilal kala duwan, ayaa waxaa hadana xilli dambe oo xalay ah lagu dilay ruuxii shanaad, taasoo dadka baqdin xoogan ku beertay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay xalay gashay bandow kiligeed ah, iyadoo ay gashay jawi ka duwanaa habeenadii hore, waxaana dadka ay cabsi soo wajahday awgood ay isaga xaroodeen guryahooda.

Ruuxa shanaad ee lagu dilay Magaalada Kismaayo oo nin dhalinyaro ahaa ayaa waxaa dishay laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd, kuwaa oo aan laga warqabin ujeedadii ka dambeysay inay dilaan.

Dadka ku nool magaalada ayaa cabsi iyo wal wal ka muujinaya xaaladaha ku soo kordhay magaalada, gaar ahaan amni darada iyo dilalka ka bilowday.

Afhayeenka Jabhadda Raaskambooni Korneel C/Naaasir Seeraar ayaa sheegay in gelitaanka Kismaayo ay ka horeyso in ugu horeyn ay dhamaan soo xiraan jidadka ka baxa iyo kuwa gala magaalada, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.