Shacabka Gedo oo loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha..

Maamulka Xukuumadda Somalia ee Gobolka Gedo ayaa baaq adag u jiray Shacabka Gobolkaasi kunool sheegayna inay isaga fogaadan Goobaha ay Gobolkaasi kaga sugan yihiin Kooxda Alshabaab ee halkaasi ku dhuumaleysaneysa

Afhayeenka  Maamulka Dowladda ee Gobolka Gado Axmed C/laahi Xirsi oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay duulan ku yihiin Shabaabka ku sugan gudaha iyo daafaha Gobolka  Gedo, Afhayeenka oo warbaahinta la hadlaayay ayaa yiri ‘’ waxan shacabka ugu baaqeynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inay isaga fogaadan gabi ahaan Goobaha ay ku sugan yihiin shabaab, waxan ku howlanahay weerar ka dhan ah shabaabka kaasoo aan ku dooneyno inan ku ciribtirno shabaab ‘’ sidaa waxaa yiri C/llahi xirsi oo ah afhayeenka

Afhayeenka ayaa dhanka kale waxa uu sheegay inaysan u adkeysan karin dhibaatada ay shabaabka ku hayan shacabka ku sugan gudaha iyo daafaha isaga oona tilmaamay in loo bahanyahay in la cirib tiro shabaab sida looga badbaado dhibaatooyinka qarsoon oo ay ku hayan shacbiga

Axmed C/laahi Xirsi ayaa waxaa uu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed ee Ku dhaqan Goobaha ay wali Maamulaan Maamulada hoos taga Shabaabka isagoo ugu baaqay in ay ka Fogaadaan Goobaha ay ka agdhawyihiin si aan Dhibaato badani uga soo gaarin

Ugu danbeyntii Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay inaysan masuul ka ahaan doonin dhibaatada shabkaasi soo gaara waa hadii aysan ka fogaan Goobaha ay shabaabku ku sugan yihiin

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.