Siyaasi aanan la filayn oo ku soo biiray musharixiinta Prime Minsterka (xog cusub)

Xulshada Prime Minsterka cusub ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay marayso heer gebo gebo ah ayadoo la leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud waxaa uu ka yaabsan doonaa dadkii wax saadaalinayay oo dhan. Waxaana uu keeni doonaa qof cusub oo aan ka tirsanayn dariiqada Damjadiid oo weliba denbi aanan ka gelin dadka soomaaliyeed. Shaqsigaas oo aqoon iyo karti uleh shaqada culus islamaraakaasna fahmi kara Beesha caalamka gaar ahaan Maraykanka . Haddaba wararka ka imaanaya dadka ku wareegsan madaxweynaha cusub ayaa shaaca ka qaaday qofkaas cusub ruuxa uu yahay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadaadis badan uga kala yimid meelo badan. Cadaadiskaas ma soo koobi karno laakiin waxaan ka soo qaadanaynaa dhowr qodob oo kala ah:
 
1) Mahiga iyo Beesha Caalamka oo leh dooni mayno Farmaajo
2) Maamulka Somaliland oo leh doonimayno siyaasiyiinta waqooyi.
3) Faroole oo leh doonimayno qof aan majeerteen ahayn.
4) Ethiopia oo leh doonimayno qof Ogaaden ah.
5) Odayaasha Hawiye oo leh doonimayno majeerteen xilligan
6) Kooxda Damjadiid oo leh qof aan annaga ahayn yeelimayno.
7) Shacabka Muqdisho qaarkii oo leh qof aan Farmaajo ahayn dooni mayno
8) La taliyeyasha madaxweynaha oo leh qof aan daacad ahayn iyo qof aan caano madaadshe ahayn dooni mayno maadaama ay bateen dagaalada madaxweynaha iyo PMkiisa.
 
Haddaba waxaa la xaqiijiyey madaxweyne Xasan Shiikh inuu mar madaxa qabsaday oo uu ku sigtay inuu is casilo. Xogta aan helnay waxay sheegaysa in la taliyeyaasha madaxweynaha aaminsan yihiin inay heleen qofkii ay raadinayeen last minute weliba kaasoo aanan ka caraysiinayn dad badan balse dadka oo dhan ay soo dhoweynayaan waxaana caawa laga dareemayaa xarunta madaxtooyada xaalad rayn rayn badan.
 
Siyaasiga weyne ee daqiiqadahii ugu danbeeyey ay la dhacsanyihiin la taliyeyaasha madaxweynaha waa Maxmuud Nuur Wardheere. Siyaasigan oo aanan weligii soo gelin siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid aan ku cusbayn Soomaalida maraykanka iyo kuwa internetka ka aqrisan jirey qoraaladiisii wadaniyadda ku salaysnaa. Aqoonyahan Wardheere waxaa lagu yaqaan ololihiisa waxbarashada iyo dhiirigelinta ardada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu ahaa murashax gaaray inuu u tartamo US Congress. Wardheere waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey aqalka US Senateka maraykanka mudo dheer halkaas oo uu ku leeyahay xiriir badan. Xogta na soo gaartay waxay sheegeysaa in Wardheere looga yeeray xarunta madaxtooyada ee Muqdisho. Waxaa la sheegayaa in dooda odayaasha hawiye ay wax tartay.
 
Odayaasha beesha Hawiye ayaa leh. Maadaama Beesha hawiye soo xulayso Prime Minster waxaa beesha ku waajib ah inay cadaalad iyo xaq soor u muujiyaan beelaha Daarood. Beesha Daarood oo ka kooban afar qaybood saddex uun baan marwalba dooran jirnay midna waan qadin jirnay. Beelaha Daarood ee hore u soo maray qabashada wasiirka koowaad waa in aan xilligan waxba la siin. Hawiye sidan ayuu Daarood PM ugu qaybiyey laga soo bilaabo 1960:
 
1) Kablalax Daarood: 5 Prime Minster oo kala ah: Abdirisaq Xaji, Abdiweli, Galaydh, Abdirashid Sharmarke, Omar Abdirashid
2) Sade Daarood: Farmaajo
3) Yusuf Daarood (Awrtable) Maxamed Abdi Yusuf
4) ) Tanade Daarood (Leelksae) ZERO ama eber (O) Cadaalad darro.
 
Odayaasha Hawiye ayaa madaxweynaha ku adkeeyey beesha marwalba la qadiyo ee Leelkase in markaan dhinacceda la dhugto sidaas ayay la taliyeyaasha madaxweynaha kula taliyeen waana tan la filayo inay sababtay in aqoon yahan Wardheere loo yeero.
 
aadanshire@yahoo.com
______________________________________________________________________
 
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Siyaasi aanan la filayn oo ku soo biiray musharixiinta Prime Minsterka (xog cusub)

  1. Oo Haji goormuu farmajo noqday daacad??? ma laalushka uu siiyay mooryaanta isku sheega (odayaasha hawiye), iyo MEDIHA oo laga buunbuuniyey ayuu daacad ku noqday? bal car sheeg hal wax uu qabtay iyo dad uu cadaalad u sameeyay???

  2. Waxan kayaabay madaxwaynuhu ma qabiiliste baa? maxaa ugeeyay odayaasha qabaailka. Qaasatan kuwa iskumagacaabay odayaasha hawiye er aan cidna dooran…???

  3. qaranimo maqaalkayga soo dhejiya hadii kale waxaa u arkaa inaad u shaqayhaysiin puntland oo waxay rabaan haddii la soo dhigiwaayo waa tirtiraysiin.
    Dadka soomaali waxay rabaan Farmaajo.
    madaxwaynaha Haduu soo magacaabi waayo waxay naqahee inuu KU CELSHO GODKII MUGDIGA AHAAY. Dadka soomaali waxay u baahan yihii nin daacad ah kaas oo ah Farmaajo.