Wararka ka imaanaya Xaafada Somalida dagto ee jidka Juja Road ee Eastleigh, Nairobi oo saacad ka hor Qarax ka dhacay ayaa sheegaya in dadka madowga ah ee halkaas dagan ay Weerar ku qaadeen Somalida Halkaas dagan.
Dadka Madowga ee kenyanka ah ayaa la sheegay in ay Baangado soo qaateen kuwaas, oo sheegay in Mas’uul ay ka yihiin shabaab Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen oo halkaas ka dhacay saacad ka hor.
“ waan ka soo Cararay Xaafadayda markii uu Qaraxa dhacay kadib waxay dadkii madowga ahaa ee xaafada nala dagnaa la soo baxeen, Bangado, waxayna yiraahdeen Somali ayaa arintaan samaysay oo laysay Caruurteena, anagana Nafteena ayaan la soo Cararnay”ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada ee ku sugan xaafada Islii.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray Ciidamada Kenya oo iskugu jira Booliiska iyo fly Skot kuwaas oo dadkii madowga ahaa iyo Somalida kala dhexgalay.
________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize