!!Afka iga Qabataye !Ma Aamusay? {Faalo

Wariyaasho ma ilowsana inay ay u noqon karaan bar-tilmaadeed muuqda kuwa cagmahooda dhiiga ka qubanaya ee ku caan baxay inay indhaha ka ridaan umadda soomaaliyeed,hase yeeshe waxaa si gaabis ah ku socda  u diyaar garow dhab ah oo lagaga gaashaanto xaalada soo socota waqtitada dhaw maadama silsiladaha dilalka wariyaash ay yihiin kuwa abaabulan .

Kama suura gasho wariyaha in uu ka aamuso xaqiiqda jirta, Wariyaashu ma’ahan dad hubaysan, Hubka kaliya ee ay adeegsadaana waxaa uu yahay sheegidda xaqiiqda markaas jirta, Alshabaab iyo dhinacyada siyaasadeed qaar  ma jecla Warbaahinta iyo dhaq-dhaaqyada wariyaasha soo gudbinaya xaqiiqda jirta ,waxaana xusid mudan in Kooxda Alshabaab ay si bareer ah u dishay Wariyaal ka hawl gali jiray Muqdisho oo ay waliba iyadu ku casuntay inay u yimaadaan, sidoo kale waxay ku faantay kooxda dilalkii dhawaan loo geestay geesiyaal aan taariikh dhow iyo midda fogba aysan ka tirmi doonin xasuustooda waxaaan sidoo kale jira wariyaal si qorsoodi ah loo dilay ilaa hadana aan la garanayn cidii dishay.

hawaqa soo yeeraya ma’ahan mid wariyaasha uu ku qasbi doono in ay ka aamusaan sheegida xaqiiqda jirta ,balse waa dhaawac iyo uurku-taalo inteedi la eg.

Waayaha taxanaha ee xamraasan,xanuunka,muragada,iyo xaqriraada xuquuqda waxay wariyaasha kala midyihiin bulshada inteedi kale ee dulman,balse waa dhambaal ku socoda wariyaasha oo la doonayo in la waayo cid ka ku hadasha codka dadweynaha soona bandhigta dhibaatooyinka jira ee si dad badan iyo si toos ah logu geesto bulshada.

dhinacyada u bareeray sheegashada dilka wariyaasha ,ama kawaanada xolaha lagu qalo oo kale biraha soo sura iyadoo baqdin lahayn ,ama aan gadaal ka cabsoonayn,waxaa kuwasi sii dheer ,kuwa mudacyada waabaayo leh si qarsoodi ah wariyaasha u laaya balse maalin baa la ogaan doona ,waxaa horay loo yiri,waxii qof ogyaha qofbaa sheego ,waxii ruux kaliya ogyahanya shaydaan baa sheego balse maalintayd baa la sugaya .

Iyadoo ay jirto Qatarta wariyaasha soo wajahaysa ,ayaa hadana soomaaliya waxaa ay higsanaysa Kobac dhinaca warbaahinta oo ay ku talaabsatay

Muqdisho waxaa ka jira 22 xaruumo raadiyaal ah , 7 television iyo sedex wargays oo si joogta ah uga soo baxa muqdisho ,waxaana ka shaqeeya Boqolaal wariyaal ah kuwasai oo badankoda la siyay tababaro la xariira sida loga shaqeeyo goobahaa xasaradaha dagaal ka jira sida soomalaiya oo kale.

Dilalka ,dhaawacyada,Hanjabaada,afduubyada ee ku dhacaya wariyaasha waxaa muuqata in aan nahay kuwii ku xigay laakiin haku fikirina in tani ay horseedi doono in la waayo wariye ka hadla xaqiiqda ka jirta dalka soomaaliya.

Inkasto dilalkaasi ay jiraan ,hadana waxaa jira wariyaal u adkaysan waayeyay jirdilka,dilka,xabsi-dhigida,gumaada bareedka ah ee lagu haayo wariyaasha ay dani biday in ay ka soo cararaan dalkooda .

Waxaa jira kooxo ku bahaloobay dhiiga wariyaasha oo baneestay in uu xalaal u yahay  iyo Canaasiir badan oo dano siyaasadeed iyo siyaabo kale u neceban Suxufiga iyo Saxaafadda runta sheegta.

Si walba uu u sii socda dilalka wariyaasha iyo beegsigooda ha moodin in qalinka iyo qoraalka aan ugu adeegayno dhisida qarankeena iyo taageerida danyarteena aan joojinayno.ogow waxaa nahay geesiyaal nafdooda horay!!

“Bulshooy Anigoo oo danyarta soomaaliyed u adeegaya miyaan u Qalmaa dil”!!!!!!

W/Q Wariye Maxamed Xaaji xasan abukar.

Email:Mhajji00@gmail.com

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________________

 

Cell:+254716113788

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login