Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen-C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa Maanta waxaa uu Saxaafada Muqdisho u soo Bandhigay Qalab Casri ah oo lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Qalabkaas oo loo Adeegsan Doono Baaritaanada Dadka Garoonka ka duulaya iyo kuwa ka soo dagaya si amaan daro aysan u dhicin .
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ka dib Markii ay bateen Dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ay kala Kulmaan Garoonka wajeer ee dalka Kenya oo Baaritaano adag lagu sameeyo Marka ay halkaa gaaraan ay Go.aansadeen in ay Qalabkaan casriga ah ku Xiraan garoonka Muqdisho si looga Maarmo Baaritaanada lagu sameeyo dadka ka baxa garoonka aadan Cade ee Wajeer lagu baaro .
“Qalabkaan waa Kaamirooyin Casri ah oo la mid ah kuwa lagu Xiro Air borada Caalamiga ah waxaan aan u adeegsan Doonaan in aan ku baarno dadka gala Airborka iyo kuwa Soo dagaya waxaana looga maarmayaa baaritaanadii badnaa iyo halisaha amaanka waa Qalab Muujinaya wax walba oo Ruuxa Jirkiisa ku xiran Marka sidaas ayaan dooneynay in aan maanta saxaafada u Soo bandhigno si ay Dadku u ogaadaan “ ayuu yiri Gen- C/laahi gaafow Maxamuud .
Taliyaha ayaa waxaa uu ugu Baaqay Dowladda Kenya in ay Joojiso dhibaatooyinka iyo xad gudubka ay kula kaceyso Bulshada Soomaaliyeed ee Ka baxda Garoonka Magaalada Muqdisho isla markaana ka dagtay Garoomada dalkeeda isla markaana ay ula dhaqanto si wanaagsan Mawaadiniinta Soomaaliyeed .
Air boorka Aadan cade ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu hada u muuqdaa Mid la tar tamaya Air boorada caalamiga ah ee Dunida Marka laga hadlayo qalabkaan Casriga ah oo la aamin sanyahaay in amaanka uu gacan weyn ka geysan karo.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login