Howlgalka Mudug shalay & maanta oo meel wacan gaaray

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa ka warbixyay howlgal guuleystay oo ciidamada Puntland ay ka wadeen Gobolka Mudug dhankiisa Puntland.

Gudoomiye Tigey oo la hadlayay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday inuu guuleystay howlgal ay ugu magac dareen Mudug shalay iyo maanta kaasoo ay ku howlgaleen ciidamo garoowe ka yimid iyo kuwii Gaalkacyo hore u joogay.

“waxaa guuleystay Howlgalkii aan ugu magac darnay Mudug shalay iyo maanta kaasoo ay ku wada howlgaleen ciidaamada sirdoonka ,boliiska iyo milateriga Puntland ” ayuu yiri Gudoomiye Tigey

Gydoomiyaha waxaa uu carabka ku adkeeyay in maanta amni ka duwan sidii hore uu ka jiro Gaalkacyo qeyta waqooyi ee puntland taasoo ay ka dabeysay markii la bilaabay howlgalka mudug shalay iyo maanta

 

“maanta waqooyiga gaalkacyo maaha sidii hore iskama soo geli kartid bilaa sharci daro, maanta gaalkacyo kama dhacaan dilalkii iska iska socdey ee amniga lagu qalqalgeliayay”ayuu yiri Tigey

Mas’uulkaai u sareeya Gobolka Mudug waxaa si weyn u amaanay amniga maanta ka jira Mudug gaar ahaan waqootiga Gaalkacyo isagoo ku amaanay inay dadaal dheeraad ah u galeen amnigaasi ciidamada wada jirka u howlgalay.

Dhanka kale waxaa uu sheegay inay dhanka dib u heshiisiinta iyo daris wanaagaba maamulkiisu diyaar la yahay hadana ay dhanka Galmudug la bilaabeen wada hadalo ay ku bilaabeen iminkaba iskaashi dhanka amniga ah.

“dhawaan saldhiga boliiska Galmudug waxaan kala soo wareegnay hub laga dhacay dhanka puntland anaga sidaas oo kale taasna waxay muujineysaa iskaashiga labada dhinac u bilowday”ayuu yiri Tigey.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.