Mogadishu, Somalia, October. 01, 2012 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo barqadii maanta ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay u badan yihiin Xildhibaano Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Baydhabo ku soo dhoweeyey, masuuliyiinta mamulka Gobolka Bay iyo kan Degamada Baydhabo, sarakiil ka tirsan ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom iyo dadweynaha magaaladda.
Ujeedada Maxaweynaha uu ugu ambabaxay magaaladda Baydhabo ayaa ah in uu soo indha-indheeyo xaaladda Amni mida guuda ee Degmadda Baydhabo, waxaana markii ugu horeeysay ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya booqsho ku gaaro magaaladda Baydhabo iyo dhammaan goboladda kale ee dalka,tan iyo markii la doortay 10 bishii September ee sanadkan.
inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa, Masuuliyiinta gobolka, Saraakiisha Ciidamadda, Waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kale.
Ugu dambeeyntii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booshiisan Baydhabo ee maanta waxa noqon doontaa biloowga booqshooyin kala uu ku tegi doono gobolada dalka Soomaaliya.
- Dhamaad –
Xafiiska Madaxweynaha | Moqdishu, Somali media@presidency.gov.so
Shador Haji | Media Officer | Office of the Somali President
____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login