Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen Qeybo kamid ah Magaaladaasi islamarkaana halkaasi ay isaga huleelen Ciidamada Alshabaab ee ku sugnaa xaafado qaar ah.
Guddoomiyaha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan Gobolkaasi C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in iminka Alshabaab ay isaga carareen Xaafado katirsan Magaalada Baraawe halkaasina ay la wareegen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa AMISOM.
Xaafadaha ay isaga baxeen Alshabaab ayaa kala ah Buufoow,Hantiwadaag iyo sidoo kale Janaale oo dhamaan kawada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose harayna gacanta ay ugu hayen Kooxda Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Gobolkaasi C/Qaadir Siidii ayaa sidoo kale sheegay inay wadi doonaan Howlgalada inta ay isaga baxaan Alshabaab gabi ahaan Magaaladaasi iyo Gobolada ku heerarsan waxa uuna Xusay Guddoomiyaha in maalinta bari ah ay si rasmi ah ula wareegi doonaan gabi ahaan Gobolka Sh/Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login