BREAKING NEWS.. Qarax ka dhacay Kismaanyo

Qarax weyn ayaa goordhaweed ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, wararka ka imaanaya Magaaladaasi ayaa sheegay in goordhaweed qarax weyn  laga maqlay magaalada, sida shabakada Markonews uu  uxaqiijiyay qof goob-jooga ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay dhisme ay dagan  yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan lawareegay gacan ku heeynta Magaalada dekada leh ee Kismaayo , waxaana la ogeen qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaan iyo qaraxa waxa sababay, iyadoo ciidamada dowlada FS ay isku gadaameen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay marna joojon doonin weerarada ku dhufaa oo ka dhaqaaqa ah , waxaana ka bixitaankooda Magaalada Kismaayo ay ku sheegeen in ay tahay taatika dagaal.

Hadaba tan iyo markii ciidmada Dowlada FS ay la wareegeen gacan ku heeynta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa sii kordhaaya dilalka qorsheeysan ee ka dhacaaya Magaaladaasi , waxaana  qaraxaan uu noqonaa kii ugu horeeyay ay Al-shabaab ka fuliyaam Magaaladaasi tan iyo marki ay la wareegen ciidamada Huwanta.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.