Faahfaahin dheeri ah: wararkii ugu danbeeyay magaalada Kismaanyo

Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Kismaayo laga helaayo ayaa waxay sheegayaan inay maanta Magaalada Kismaayo si rasmi ah ula wareegeen Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadda Dowladda Kenya oo qeyb ka ah Ciidamadda Amisom ayaa waxay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya garab ku siinayaan, sidii ay isugu ballaarin lahaayeen guud ahaan Magaalada Kismaayo.

Ciidamadda Huwanta oo si weyn loo-soo hubeeyay, watana gawaari fara-badan oo kala duwan, ayaa waxay maanta si buuxda leh ay ula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo guryahooda ku jira ayaa waxay daawanayaan Ciidamadda Huwanta, oo si ballaaran u soo galaaya gees ka gees Magaalada Kismaayo.

Ciidamadda Huwanta ayaa waxay dhirarsan ay u soo galeen Magaalada Kismaayo, iyagoo markaasi soo maraaya wadada dheer ee Magaalada Kismaayo dhex marta, isla-markaana waxay tani muujineysaa in Ciidamadda Huwanta ay Magaalada Kismaayo ula wareegeen, si ka duwan sidii ay shalay ula wareegeen.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas dabaal deg ah oo ay ridayaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, oo iyagu suura-geliyay in Xoogaga Shabaab ay kala wareegaan Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login