Nabadsugidda Qaranka oo lawareegay guryo laga helay waxyaabaha qarxa!

Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa, kaasoo ay ku tilmaamtay inay degenaayene guri ku yaal Xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasoo howl gal xalay Ciidamada ka sameeyeen ku soo qabatay hub iyo waxyaabo qarxa.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Nabadsugida ayaa sheegay inay la wareegeen qaar ka mid ah guryo hub laga helay.

“Xalay ilaa saakay waxaa howl gal ka wadnay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, sida Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, waxaan ku soo qabanay hub guryo ku keydsanaa oo Bastoolado ay ku jireen iyo dadkii ku howl galayay, waxaan umada u soo bandhigeynaa cid kasta oo dhibaato ku heysa, howl galkii ugu dambeeyay waxaa ku soo qabanay hub ku jiray saddex guri oo miinooyin ay ka mid ahaayeen”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in hubkan iyo waxbaayaha qarxa ay xog ku heleen, isla markaana maalin iyo habeen ka shaqeynayeen, isagoo xusay in miinooyinka ay soo qabteen loogu tala galay in bilaha soo socda qaraxyo looga fuliyo.

Mr Khaliif ayaa uga digay shacabka inay ka digtoonaadaan cida ay guryaha ka kireynayaan, isagoo xusay in gurigii laga hela hub ay la wareegi doonaan, isla markaana aanay marna ka laaban doonin go’aankooda.

Dhinaca kale waxaa saxaafada la hadlay wiil dhalinyaro ah oo qirtay inuu ka tirsanaa Shabaab, isagoo xusay in haweeneyda la soo bandhigay ay xaaskiisa tahay, oo labadaba lagu soo qabtay howl galka xalay laga fuliyay degmada Huriwaa.

Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Nabadsugida qaranka ay kula wareegeen guryo laga helay hub iyo waxyaabo qarxa, iyadoo horay digniin u soo saareen oo ku aadanaa in lala wareegayo gurigii laga helo hub iyo waxyaabaha qarxa.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.