Korneel Aadan Urur Cabdi oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada dowldadii dhaxe ee uu hogaaminayay alle ha naxariistee Gen’ Max’ed Siyaad Barre ayaa waxa uu sheegay in amaanka magaalada Kismaayo lagu sugi karo in loo sameeyo Boolis iyo Nabad Sugid gaar ah Militerigana ay magaalada banaanka ka joogaan.
Korneel Aadan ayaa sioo kale sheegay in laga yaabo in Shabaabkii Magaalada laga saaray ay weeraro ku soo qaadaan loona baahan yahay in laga taxadaro oo lala socdo dhaqdhaqaqooda cidii laga shakiyana la soo qabto oo sharciga la horkeeno.
Dowlada Soomaaliya oo goor dhaw la wareegtay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa looga fadhiyaa in ay sugto amniga magaaladaasi iyadoo qaraxyo is xigxigay ka dhaceen bartamaha magaalda 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login