Bandow ka dhaqan galay Kismaanyo

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo baaritaano ah waxa ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda hoose.

Saaka ayaa waxaa lagu arkayaa xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ciidamada huwanta ah oo xaafadaha Magaalada galaya kuwaasi oo baaraya dadka iyo gaadiidka intaba.

Qof kamid ah shacabka reer Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda ay saaka wadaan howlgalka inkastoo ilaa iyo iminka aysan jirin cid ay kusoo qab qabteen howlgalkaasi.

Dhinaca kale waxaa xalay Magaalada Kismaayo ka dhaqan galay bandoow ay soo rogeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dhalinyarada Reer Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa inay soo foodsaartay cabsi xoogan oo ku aadan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kula dhaqaaqaan qab qabasho.

Muddo sanado ah kadib ayaa xalay ciidamada Dowladd Soomaaliya waxa ay ku hooydeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose oo habeeno kahor ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.