Maah maah Soomaaliyeed ayaa waxay lee-dahay Cimrigaaga oo Raaga Geel dhalaayana waa ku tusaa, xalay waxaan goob joog u nahay dhacdo yaab iyo amakaak ku riday dad badan.
Qof dumar ah oo xirneyd Indho Shareer iyo Jalbaab weyn ayaa waxay caawa bambo gacmeyd ku weerartay dhalinyaro ku sugneyd Xaafadda Farjano ee Magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo-yaqaano Suuq Yaasiin.
Suuq Yaasiin waa meel suuq ah oo ku yaalla Xaafadda Farjano, dadkana ka adeegtaan, ayaa waxaa caawa lagu arkay haweeney inta ay bambo la-soo baxday, gaanjadana ka furtay, ku soo tuurtay dhalinyaro badan, oo ku sugnaa Masaajid ku yaalla Suuq Yaasiin, markaasoo la-sheegay inay weyso qaadanayeen.
Haweeneydaan ayaan si rasmi ah loo-ogeyn ujeedadii ka dambeysay in dhalinyaro badan ay ku soo weerarto bamboo gacmeyd, weliba iyagoo aanu ka tirsaneyn Ciidamaddii Huwanta ee maanta Magaalada Kismaayo la-wareegay, waxaana ku dhaawacmay bambadaan ilaa shan nin oo dhalinyaro ah.
Shacab badan oo ku sugnaa Suuq Yaasiin markii haweeneydaan ay bambada ku soo tuureysay dhalinyaradaan, ayaa waxay sheegeen inay qaban kareyn haweeneydaas, laakiin ay ka baqeyn in hadhow la-ugaarsado.
Dhacdadaan oo mid layaab badan ah ayaa waxaa caawa si weyn looga hadal-hayaa Magaalada Kismaayo, waxayna shacabka reer Kismaayo ku sheegeen wax amakaag leh
Share on Facebook
![]() |
Socialize