Maamulka Sh. Hoose oo sheegay in ay qaabili doonaan Shabaab

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab ay ku qaabili doonaan waji kasta oo ay la yimaadaan.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in hadii Ururka Al-Shabaab ay ula yimaadaan waji nabad ah ay ku qaabili doonaan sidoo kalena hadii ay ula yimaadaan dagaal ay ku qaabili doonaan.

Wuxuu sheegay in hadii ay yihiin Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ay diyaar la yihiin qaabilada rag waliba oo ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ugu baaqay dhalinyarada kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha Hoose ee kujira Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan Ururkaasi islamarkaana ay uyimaadaan dadkooda iyo beerahooda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee kusoo biiraya dhanka Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Shabeelaha hoose.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login