Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmay waziiro ka socday Britain

Madaxweynaha jamhuuriyada federaaliga Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiis kiisa ku qaabilay Wafdi heer waziiro ahoo ka socda Britain, oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirada Horumarinta iyo Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain,kuwaas oo markii ugu horeysan maanta soo garaay Muqdisho si aay wadahadalo ula yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xaalada ammaanka, siyaasada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirada Horumarinta Britain oo ka hadashay shir jaraaid oo aay wada qabteen ka dib shirkoodi gaar ka ahaa ayey sheegtay in dowladdeeda ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya lacag dhan 38-Milyan oo Pound, si loo hormariyo arrimaha ammaanka iyo waliba kor u qaadida arimaha la xiriira cadaalada iyo mashaarcii horumarineed oo loo sameynayo Soomaaliya,Waxaa kaloo aay Wasiirada Horumarinta caalamiga ee Britain ay sheegtay in deeqdan lacageed ay ujeedkeeda tahay sidii saddexda sano ee soo socota ay ugu fulin laheyd howlaha hor-yaala.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka wada hadleen wafdiga sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, isagoo soo dhoweeyay qaabka dowladda Britain ay taageerada ugu fidineyso shacabka Soomaaliyed.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha la kulmo wafdi ka socda Britain oo Muqdisho soo gaara, xili bishii la soo dhaafay markii la doortay Madaxweynaha uu la kulmay Taliyaha Britain iyo Safiirka Britain ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login