Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud oo qado u sameeyay Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu qado sharaf u sameeyey odayaashi dhaqanka ee soo xulay ergada ansixisay Dastuurki dalku yeeshay iyo xildhibaannadii Baarlamaanka ee dhawaan doortay madaxweynaha iyo gudoomiyaga baarlamaanka .

Madaxweynaha ayaa Qado sharaftan ugu sameeyay odayaasha xarunta madaxtooyada Soomaaliya , qadada ayaa waxaa kasoo qeebgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumaddii xiligeedu dhamaaday Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiirro iyo xildhibaanno.

Qadada kadib ayaa waxaa goobta aay qadadu ka dhacday laga jeediyey khudbaddo kala duwan wxaa ugu horeynna goobta ka hadlay xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ay uga mahad celiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu u sharfay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed waxaana ay Alle uga baryeen inuu Madaxweynaha xilkiisa la garabgalo islamarkaana u fududeeyo howlaha horyaala.

Dhanka kale ra’isulwasaarahii xiligiisu dhamaaday C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay meesha isagoo dhankiisa khudbad qiiro laheed ka jeediyey isagoona tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka ay door muhiim ah kasoo qaateen in dalka lagasoo saaro KMG oo aynu yeelano Dowlad aan KMG aheyn islamarkaana caalamka wax la qeybsata.

Sidoo kale waxaa isna khudbad ka jediyay qadada gudoomiyaha Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka looga baahanyahay mar walba iney Dowladda garab istaagaan oo aysan taladooda ka bakheylin, talo walba oo dhankooda ka timaadana la qaadan doona.

Ugu dambeyntii waxaa khudbadaha soo gaba gabeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna dhankiisa  ku tilmaamay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iney yihiin halyeeyo waqtigooda u huray in dalku uu cagihiisa ku istaago,isagoa ku amaanay howsha aay qabteen kuna bogaadiyay ineey sii laba labaan howsha aay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login