Wardheere, Farmaajo, Saacid Garaad iyo Doodishe oo xulashada PM iskuugu soo haray.

 Baadigoobka uu madaxweyne XasanShiikh ugu jiro inuu beesha daarood ka soo magacaabo qofkii noqon lahaa Prime Minsterka ayaa maraya gebo gebo ayadoo ay dhowdahay xilligii uu madaxweynaha ku dhawaaqi lahaa.
 
Saacadda ayaa si xawli ah ku socotaa, madaxweynaha xilligii dastuurka u qabtay ee ahayd 30 beri waa ay ka dhamaan rabtaa. Inta uu booqashada magaalooyinka ku maqan yahay ayay la taliyeyaashiisa ku hawlan yihiin qofkii uu madaxweynaha magacaabi lahaa.
 
La taliyeyaasha oo u badan Dam Jadiid waxay aaminsan yihiin inay heleen qofkii ay rabeen. Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya Madaxtooyada waxaa ay sheegayaan inay isugu soo hareen 4 musharax kuwaas oo kala ah.
 
Doodishe, Farmaajo, Mahmuud Wardheere iyo Saacid Garaad, Ilaa hadda wararka ka imaanaya madaxtooyada waxaa ay sheegayaan inay u dhow dahay Wardheere inuu mdaxweynaha ku dhawaaqo.
    
 
Aadan Shire | aadanshire@yahoo.com
 _________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login