Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xalane ayaa ka hadlay xaaladaha magaalada Muqdisho, la wareegitaankii magaalada KIsmaayo iyo fatahaadii magaalada B/weyn.
Col. Cali Aadan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay xaqiijiyeen ammaanka magaalada Kismaayo, isla markaana qorshaha yahay sidii magaalada amnigeeda loo sugi lahaa.
“Magaalada Kismaayo amnigeeda waa la xaqiijiyay, ciidamada dowladda ayaa looga fadhiyaa inay ammaanka sugaan”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud.
Col. Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha, Dekeda, Madaxtooyada Kismaayo iyo baro kale oo muhiim ah sida uu yiri.
Sidoo kale Afhayeenka AMISOM ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho, isagoo cadeeyay inay jiraan falal ammaan daro, balse Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isku dayayaan inay ammaanka adkeeyaan.
Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay inay gacan ka geysteen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada B/weyn sidii dadkii fatahaaduhu saameeyeen gar gaar loogu fidin lahaa, isagoo xusay inay dejiyeen meelo ay kaga gabaadsadaan fataahadaha iyo roobabka.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login