Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Magaaladaasi laga hirgaliyay markii ugu horeysay Idaacado ku hadla Afka Soomaaliga kuwaasoo si toos ah u baahinaya Heeso wadani ah oo Bulshada Kismaayo looga dhaadhacsiinayo waxa ay tahay wadaniyada.
Sidoo kale idaacadahaasi ayaa baahinaaya Muxaadirooyin looga hadlaayo baraarujinta iyo wadaniyada faa’iidada ay leedahay waxaana xiliyada qaar lagu marti galiyaa Saraakiisha dowlada iyo kuwa Kenya oo halkaasi ku sugan si ay dadka Kismaayo uga dhaadhacsiiyan ka hortaga Kooxda Alshabaab oo iyagu laga saaray Gabi ahaan magaaladaasi Kismaayo.
Idaacadda iminka magaaladaasi laga hirgaliyay ayaa magaceeda lagu sheegay Radio Peac waxaana ay ka soo gashaa Muujada FM –ka ee 99.8 oo dadka Reer Kismaayo ay ka Dhageysanayaan.
Si kastaba ha ahaatee Radio Peac ayaa iminka noqoneysa Idaacadii ugu horeysay oo ku hadashay afka Ciidamada Dowladda islamarkaana noqoneysa Idaacad ay leedaha Dowladda Somalia.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
______________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login