R/wasaaraha oo lagu dhawaaqi rabo

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, waxaa uu maalmihii u danbeeyay kulamo la qaadanayay waxgardka iyo odayaasha beelaha kuwaasoo uu kala tashanayay ruuxa ku haboon inuu qabto jagada R/wasaaranimada dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa si weyn looga hadal hayaa cida uu madaxweynaha u soo xulan doono R/wasare, hase yeeshee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka dhigi doono R/wasaaraha ruux ku cusub saaxada siyaasada.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

______________________________________________________________

Dhinaca kale wararka ayaa seegaya in Madaxweynaha uu kualmo gooni gooni ah  la qaatay R/wasaarihii hore ee xukumadii tayo Maxamed C/lahi Farmaajo iyo R.wasaarha xilkiisa dhamaaday C/weli Gaas, walow aan la ogeyn waxa uu kala hadlay madaxweynaha.
Inkastoo madaxweynaha uu cadaadis badan kala kulmayo maamulada dalka ka jira qaarkood, iyo qabaa’ilada hadana madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inta uusan waqtiga ku dhamaan inuu ku dhawaaqo R/wasaaraha.
Madaxeweyne Xasan sheekh oo socdaalo ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Beadweyne ayaa sheegay in waqtiyada soo socda uu ku dhawaaqi doono R/wasaaraha, hase yeeshee madaxweynaha ayaa la tashiyo uu sameeyay kadib warar hoose ay sheegayaan in madaxweynaha uu go’aansaday in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono  R/wasaaraha cusub ee hogaamin doona xukumadda Federaalka ah.
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login