Taliska dambi baarista dowladda Soomaaliya ee CID-da ayaa maanta soo bandhigay ilaa 15-ruux oo la sheegay in baaritaan kadib ay ku cadaatay inay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan loo gudbin doono Maxkamad si loo xukumo.
Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta CID ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay ku jiraan qaar ka tirsan burcad badeeda iyo Shabaab, isagoo xusay in Maxkamad la soo taagi doono.
Waxaa uu sheegay in dambiyadooda la baaray, isla markaana uu ku cad yahay, waxaana uu intaa ku daray in dadka la soo qabtay ay ku dhuumaaleysanayeen guryo ku yaal magaalada Muqdisho.
Ciidamada nabadsugida ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howl galada ay ku baadigoobayaan dadka lagu tuhmayay dilalka qorsheysan iyo falalka amaan darida, iyadoo todobaadkan boqolaal ruux soo qab qabtay.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login