Wararka caawa laga helaayo magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegayey in caawa halkaas aay ku hoobanayaan tiro hoobiyayaal ah kuwas oo laga soo ridaayo banaanka magaalada iyagoo lala beegsanaayo goobo aay ciidmada dowladu ku leeyihiin halkaas ,hoobiyayaasha ayaa waxaa soo ridaya dhaqdhaqaaqa Alshaab oo caawa ku soo aruuray hareeraha magaalada Garbahaareey , iyadoo halkaas aay kusoo aruuriyeen ciidamo aad u tiro badan .
Dadka deegaan ka ayaa caawa isaga barakacay magaalada iyagoo u cararay baadiyaha magaalada xili laga cabsi qabo in caawa saq dhexe uu dagaal ka dhaco magaalada , iyadoo Alshabaab aay ku hareereysanyihiin magaalada iyagoona madaafiic ku garaacaayo magaalada.
Tiro hoobiya yaal ah oo galabta kusoo dhacay maaalada ayaa geestay qasaaro dhimasho labao qof halka 5 kalena aay ku dhaawacmeen duqeenta galabta , ciidanka dowlada ayaa iyana dhankooda la sheegay in aay madaafiic jawaab ah rideen dhankooda iyagoona u ridayaya banaanka magaalada halkaas oo Alshaab isku soo aruursanayaan caawa si aay weerar ugu soo qaadaan magaalada.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login