Qarax ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha!

Waxaa Goordhaw Qarax Bambaano oo dhaliyay Qasaaro badan uu ka dhacay Isgooska Dahablaha ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha qaraxaas oo dad u badnaa Rayid waxyeelo kasoo gaaray.

Qaraxa Bambaaao ayaa goob joogayaal noo sheegeen in Kooxo aan loa garan ku tureen Askari katirsanaa Ciidamada Dowlada oo xiligaasi marayay goobtaasi ,waxaana Bambada lagu weeraray Askariga ay haleeshay Dad badan oo Shacabah.

Goob joogayaal ayaa noo sheegay in ay arkayeen in kabadabn 5-qof aysan kala cadey in ay dhinteen iyo in ay dhaawacyihiin oo yaalay halka qaraxu ka dhacay kuwa kalana lagu qaaday Gaari gacan iyo gawaari.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Askarigii la weeraray uu Qaraxaasi qasaaro kasoo gaaray halka warar kalana sheegayaan in uu ka badbaaday qaraxaasi wax yeelana aaysan gaarin.

Ciidamo badan oo katirsan dowlada ayaa deg deg goobta ku yimid kuwaa oo Rasaas badan riday una diiday dadka in ay usoo dhawaadaan halka Qaraxu ka dhacay ,waxaana la arkayay Ciidamada oo goobtaasi ka qaadaya dhaawacyo kala duwan ,sidoo kalana xiray dad ay ka shakiyeen.

Xaalada Suuqa ayaana mar qura Noqotay mid lagu kala carary oo dadkii dhamaan wada xireen goobahoodii ganacsi iskana aadaen guryahoodii si ay uga baxsadaan howlgalka ciidamada .

Xaalada ayaa hada ah mid dagan inkastoo dadkii badi ay suuqa ka baxseen gaar ahaan halkii uu ka dhacay Qarax iyo goobaha kale ee ku dhaw dhaw.

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.