Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnood oo laga soo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra’iisul wasaaraha u taagnaa. Waxana la filayaa inuu saaka ku dhaawaaqo mid ka mid ragaas oo ka soo jeedda Somaliland laguna magacaabo Cali Ciise Cabdi.
Xubnaha uu Xassan Sheekh la kulmay ayaa la tilmaamay in uu ka soo reebay xubnihii isku soo taagay qabashada xilka ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, waxana warku intaas ku daray in aanu ku jirin ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn loo filayay in xilkan loo magacaabo.
Murashaxiinta ugu cad-cad ee xalay magaaladda Muqdisho la isla dhex-marayay, saakana la filayo inuu ku dhawaaqo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku jira Cali Ciise Cabdi oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, horena uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana ninkan aad ugu ololaynayay sidda la sheegay maamulka la baxay Khaatumo.
Waxaa isna aad loo hadal hayaa nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii ka qayb-qaatay dhismaha xisbi lagu magacaabo Rajo iyo xisbiga nabadda iyo horumarka ee uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya. Ninkan ayaa u dhashay sidda la wariyay Gobolka Gaddo.
Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiirkii qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Puntland, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah siyaasadda mudo ku soo jiray.
Marka la isku soo xooriyo saddexdan xubnood ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11-kii xubnood ee uu madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo saaray xubnihii tirada badnaa ee damucu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqtiga uu haystaa yahay wax ka yar hal todobaad kaas oo looga fadhiyo inuu soo saaro wasiirkiisa koowaad.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login