Xaafiiska Xawaalada Horyaal ee Magaalada Borlange -Swidhan oo Suurta galiyay adeeg ku dayasho mudan

Xaafiiska Xawaalada Horyaal ee Magaalada Borlange -Swidhan oo Suurta galiyay adeeg ku dayasho mudan

Xawaalada Horyaal waxa ay ka mid tahay Xawaaladaha kala gadisan ee adeega dhinaca lacagaha ka qeybqata waxaan Xawaaladu xaafiisyo kala duwan ku leedahay Gudaha iyo dibada.

Hadaba Xawaalada Horyaal Xaafiiskeeda Magaalada Borlange- swidhan ayaa mudadii uu jiray waxa uu ku Talaabsaday Horumar wanaagsan iyadoo macaamiishiisa kal duwana ay soo dhaweeyeen waxqabadka uu ku Talaabsaday Xaafiiskaasi.

Xaafiiskaan o qabta adeega Xawaalada Horyaal mudadii 2 sano ee uu jiray waxa uu ku talaabsaday Horumar Muuqda isagoo ka mid noqday Lafdhabarada Xarumaha Xawaalada Horyaal ku ledahay Dacalada Dunida.

Maamulaha Xaafiiska Xawaalada Horyaal ee Magaalada Borlange- swidhan Mudane Maxamed Abuukar Xasan oo aan wax ka weydiinay howlaha ay u ahayan Macaamiisha kala duwan ee Xawaalada Horyaal ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Maamulka sare ee Xawaalada Horyaal isagoo sheegay in Maamulku muujiyay Dadaal iyo howlkarnimo dheeraad ah kuna guuleystay inuu Waxqabadka Xawaalada Horyaal ku baahiyo dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Maxamed Abuukar Xasan wax auu sheegay in xaafiiska Xawaalada Horyaal ay ku leedahay Magaalada Borlange -swidhan uu soo waday Howlihiisa mudo 2 sano ah mudadaa yar ee uu jirayna uu qabtay Howlo muhiima isla markaana ay ku xirmen Macaamiil fara badan oo eheladooda degan Gudaha wadanka u diraya Lacagaha Biilasha IWM waxa uuna xusay in Macaaamiisha iyo Xafiisku ay leeyihiinw ada shaqeyn isla markaana uu ku sifoobay xaafiiska Xawaalada Horyaal ee Magaalada Borlange- swidhan daacadnimo.Furfurnaan iyo degdegsiimo taasoo ay Runtii aad u jecleysteen Macaamiisha lagaha eheladooda iyo asxaabtooda uga dira halkaan.

waxa uu sheegay Maamuluhu in Sanadka Cusub 2013ka ay u qorsheysan tahay inay kordhiyaan Adeegooda isla markaana la laba laabi doono Waxqabadka looga bartay Xaafiiska Xawaalada Horyaal ee ay ku leedashay magaalada Borlange- swidhan.

Ugu Dambeyntii Maxamed Abuukar Xasan waxa uu u Balanqaaday macaamiisha Xaafiiska uu madaxda ka ayahy Gacmo furan,soo dhaeyn iyoadeegooda oo loo Fududeyn dono isagoo xusay in Daqiqiad gudaheed qofka jooga dalka gudihiisa uu ku helayo lacagta halkaan looga dirayo taasna ay ku timid is xilqaanka Macaamiisha iyow adashaqeynat ay la leeyihiin Shirkada Xawalada Horyaal oo ah shirkad marba marka ka dambeysa ku talaabsaneysa Horummar wanaagsan iyo Kasbasshada Macaamiisheeda.

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login