Madaxtooyada iyo Dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay ee xulashada RW

Xarunta Madaxtooyda Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socota diyaar garowga Xaflada lagu magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay Xarunta Madaxtooyada ay ku sugan yihiin Wasiiradii hore ee Xukuumada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la leh Gudoomiyaha Baarlamaanka, Kuxigeenadiisa, Xildhibaano iyo siyaasiyiin, waxaana galabta la filayaa inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Inkastoo Madaxweynuhu ku qaadatay muddo inuu ku soo magacaabo, hadana hadal heynta ugu badan ayaa ah in xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabi doono Cabdi Faarax Garaad Shir-doon oo loo yaqaano Saacid.

Wariyeyaasha ayaa saacad ka hor xaadiray Xarunta Madaxtooyada, kadib markii loo yeeray, iyadoo ay sheegayaan in goor dhow lagu dhawaaqo doono, inkastoo waqti kasta ay dib kaga dhici karaan, hase ahaatee kama dambeys qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo.

Mid ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya in diyaar garowga uu yahay mid gabo gabo ah, isla markaana xubnaha lagu casuumay munaasabada ay xaadir ku yihiin hoolka shirarka.

Waxaa laga yaabaa inay magacaabisto gaarto ilaa maqribnimada oo ay dhici karto in waqtiga uu sii dheeraado, ilaa gabal dhaca.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku qaadatay inuu Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo muddo 25-cisho, waana Madaxweynihii u horeeyay ee muddo intaas la eg ku gaarta soo magacaabista Wasiirka Koowaad.

 .

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.