Ciidamada dowlda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa saakay subaxnimadii hore waxeey gudaha u galeen degmada Wanlaweyn oo kamida degmooyinka ugu faca weyn gobolka Shabeelada Hoose, xili halkaa aay isaga baxeen ciidamadii Alshaab eek u sugnaa hlkaas 3sano ee ugu danbeeysay.
Dadka deegaanka ayaa halkaas ka bililiqeestay dhamaan agabkii yaalay xarumaha degmada ee aay ku shaqeynayeen Alshabaab ka hor inta aay ciidamu gaarin halkaas, mana jirin wax iska hor imaad ah oo ka dhacay halkaas xiliga aay ciidamu galayeen degmada.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa shalay galinkii danbe u ruuqaansaday halkaas xili ay shalay ka baxeen magaaladaasi ciidamadii Shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ka hor inta aysan ciidamadu gaarin halkaasi ayaa dadka ku nool degmadaasi waxaa saaka u baryay waa nabadeed, iyagoo dareemay xorriyad buuxda sanado kadib.
Dadka ku nool degmadaasi ayaa saaka isugu soo baxay waddooyinka Magaaladaasi, iyagoo soo dhaweeynaya ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo xalay ku baryay duleedka magaalada Wanlaweyn.
Abaanduulaha ciidamada dowlada Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo la hadlay raadiyaha dowlada ayaa sheegay in ciidamadu ay xalay ku baryeen duleedka magaaladaasi balse ay si taxadar leh saaka u galeen gudaha magaaladaasi, iyadoo aan shacabka la argagax gelin..
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login