Idaacad Boosaaso albaabada la isugu dhuftay

Saakay aroornimadii hore abaara 7:00 subaxnimo ayaa albaabada la isugfu dhuftay idaacadda Horseed Media ee ka howlgasha magaalada Boosaaso, kaddib markii amarkaasi uu ku soo rogay maamulka Puntland ee goboladaasi ka arrimiya.

Md. C/Qani Xasan Dhegjar oo ah Agaasimaha idaacadda Horseed ayaa warbaahinta u sheegay in saakay xarunta idaacadda la soo gaarsiiyay warqad ka socota maamulka Puntland oo amreysa in albaabada la isugu dhufto idaacadda isla markaana la joojiyo howlihii warbaahineed ee ay gudbin jirtay.

Ciidmada Booliska Puntland oo saakay gaaray xarunta idaacadda iyagoo ku wargeliyay inay idaacadda damiyaan isla markaana ay tagaan saldhigga si su^aalo looga weydiiyo dembiyada lagu soo oogay oo ciidamadu ku sheegeen in idaacadda laga sii daayay warar lidi ku ah maamulka Puntland.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Puntland albaabada u laabo Idaacadaha ka howlgala degaanada uu ka arrimiyo, iyadoo madaxda idaacadda ay iminka bilaabeen dadaallo ay ka dhex wadaan madaxda Puntland si mar kale ay idaacaddu dib hawada ugu gasho howlaheedii ay sii wadato.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.