Somali Wounded Journalists Receive Medical Assistance

Mogadishu, October 7, 2012 Three critically wounded journalists, who were among Seven wounded journalists, received $4000 medical assistance including transfer
costs from the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) on behalf of Doha Center for Media Freedom (DCMF).

The journalists, received variety of shrapnel wounds from the suicide bombing on 20 September 2012 at the Village restaurant which claimed
the lives of three journalists.

Abdullahi Mohamed “Suldaan”  who was suffering broken right  was handed over to 2000$ including the transfer costs and   Mohamed Husein
“Gentleman”, who was suffering shrapnel wounds and burns on the face and Abdikarin Gutale who was suffering shrapnel wounds below the
collarbone and the back and right hands each received 1000$ including the transfer costs, by the Secretary General of the National Union of
Somali Journalists (NUSOJ), Mohamed Ibrahim, on behalf of Doha Center For Media Freedom (DCMF).

The handover ceremony which took place at the Daaru-Shifa Hospital where the journalists were hospitalized, was attended by the Media
bosses of Mogadishu including the Directors of Radio Mogadishu,  Royal Television manager and Radio Kulmiye.

“We have the honour to provide you this valuable assistance for your medical treatment on behalf of Doha Center for Media Freedom” Mohamed
Ibrahim, Secretary General of the National (NUSOJ) said, “On behalf of the Somali Journalists, I thank DCMF for their continued support to
the Somali Journalists in distress.”

 Mohamed Husein “Gentleman” who spoke on behalf of the wounded journalists thanked  to Doha Center for Media Freedom for their
generous support and vowed that they will continue working as journalists if they recover.

Somali journalists work in one of the most dangerous environments in Africa with 15 journalists and media workers killed this year alone in
Somalia highlighting the dangers of being a journalist in Somalia.

This was not the first time Doha Center for Media Freedom has provided assistance to the Somali journalists but they have provided assistance
to more than a dozen journalists in Somalia since last Meanwhile, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is seeking
further assistance to the Somali Journalists Abdulkadir Omar Abdulle Mogadishu reporter for UNIVERSAL TV,  wounded in Mogadishu on 7th July
2012 then flown to Nairibi on 23rd  July 2012, operated, repaired his broken bone on his right leg, on the 24th July who currently needs
urgent operation in his leg.  Although, Abdulkadir seems, a bit relieved from his traumatic experience in the past but he still needs
urgent medical care after two months recovery over the repaired leg turned unsuccessfully, doesn’t work apparently and needs another time
of repairing as his Nairobi hospital doctor M Wanyoike advised.

A Somali Local Youth Organization – United Youth of Somalia (SYU) which fortunately helped fund Abdulkadir’s medical expenses of about
18,000 USD, announced that it did not have funds for Abdulkadir’s second operation roughly of more than 6,000 USD.

Meanwhile, the union started local fundraising for the famous Somali cartoonist, Abdullahi Abdirahman Abdullahi better known as “ALIF” who
has lost one of his legs after he suffered severe diabetes and currently needs urgent medical treatment as well.

---------------------------------000000000000000--------------------------
Somali Version

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dhowaan ku dhaawacmay Masiibadii ka Dhacday Maqaayadii Hooyooyinka oo Deeq lacageed la guddoonsiiyey.

Muqdisho, October 7, 2012

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, isagoo ka wakiil ah Hay’adda Doha Center ee dalka Qadar, ayaa deeq lacageed
gaarsiiyay$4000 saddexdii weriye ee qabay dhaawacyada kuna dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay maqaayada
Hooyooyinka oo ay saddex weriye kku dhinteen, todoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Weriyayaasha  oo ku sugnaa isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo kala guddoonsiiyay sida soo socota: Cabdullahi
Maxamed “Suldaan”  waxaa la guddoonsiiyey 2000$ oo ay ku jirto lacagtii xawilaada iyo sariffka sidoo kale Maxamed Xuseen“Gentleman”
ayaa isna la guddoonsiiyey 1000$ iyo Abdikarin Gutale oo isna la guddoonsiiyay 1000$ iyagoo Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu gacantiisa ku guddoonsiiyay.

Munaasabada wareejinta deeqda oo ka dhacday isbitaalka Daaru-Shifa ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta ay warbaahinada maxaliga ah
oo ay ka mid yihiin Maamulaha Television Royal International, Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo Radio Kulmiye.

“Waxaa sharaf inoo ah in aan idinku wareejino deeqdan qaaliga ah oo loogu talo galay in aad isaga bixisaan  daawadiina, deeqdan oo ay
idinkugu yaboohday Hay’ada Doha Center oo fadhigeedu yahay dalka Qadar.” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) isagoo raaciyey, “ Anigoo ku hadlaya dhamaan magaca suxufiyiinta iyo kan bahda saxaafadaba, waxaan u
mahadcelinayaa Hay’ada DCMF oo had iyo jeer taageero la garab taagan suxufiyiinta Soomaaliyeed isla mar ahaantaana xanuunka la qeybsada.”

Maxamed Xuseen “Gentleman”  oo ku hadlayay magaca suxufiyiinta dhaawaca ah ayaa u mahadceliyey hay’ada Doha Center oo deeqdan soo
gaarsiisay, isla markaana wacad ku maray in ay howshooda sii wadi doonaan  marka ay dhaawacyada ka bogsoodaan si ay ummada Soomaaliyeed
ugu shaqeeyaan.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag iyagoo u bareeray qataro badan, sanadkan keli ah ayaa 15 suxufi waxaa
lagu dilay dalka Soomaaliyeed.

Deeqdan ma ahani tii ugu horeysay ee Hay’ada Doha Center for Media Freedom (DCMF) soo gaarsisay suxufiyiinta Soomaaliyeed balse hay’addu
waxay horey u taageertan suxufiyiin ka badan hal dersin oo ay ku jiraan kuwii ku dhaawacmay tiyaatarka Qaranka, taasoo ka dhigeysa
hay’adda keli ah ee u heelan wax u qabashada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu baadi goob ugu jiraa sidii uu dhaqaale weriye Abdulkadir Cumar Cabdulle oo bishii
July dabley bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen gurigiisa agtiisa, kadibna loo duuliyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu
qalliin lagula sameeyay, iyadoo qarashka ku baxayay dawadiisa oo gaarayay 18000$ ay bixisay hay’ada dhalinyarada maxaliga ah ee SYU.

Hasse ahaatee, dhakhtarka weriyaha oo lagu magacaabo Dr. M. Wanyoike ayaa ku taliyey in qaliin labaad lagu sameeyo, taasoo hay’ada SYU ee
horey u bixisay daweyntiisii hore ay sheegtay in aanay awoodin in ay bixiyaan lacag qaliin labaad lagula sameeyo oo gaaraya 6000$ ugu
yaraan.

Sidoo kale, Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu bilaabay in uu lacag uga aruuriyo dalka gudihiisa artiste/cartoonist
Cabdullahi Alif oo dhowaan qaliin lagula sameeyay lugtiisa ku waayay kadib markii cudurka sonkorka uu haleelay, Ururka waxa uu ka
codsanayaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee Qurbaha jooga inay taageeran isla markaana garab isaagaan saaxiibadooda bahda Saxaafada ee
dhibaatada heysato.

-- 
For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Second Floor, Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so
 / nusojsomali@gmail.com
 or nusoj@ymail.com

E-Newsletter: newsletter@nusoj.org.so Internet: http://www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia
______________________________________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login