Gen Dhago badan oo ciidamada Dowlada la hadlay!!!

Jen. C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa ka digay in Ciidamada Dowladda Somalia ay gadaal usoo jeestan xiliga lagu guda jiro Dagaalada Alshabaab looga sifeynaayo Dalka Somalia, Jen Dhagabadan oo u Khudbeynaayay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia oo iminka la wareegay Gacan ku heynta Degmada Walaweyn ee Xarunta Gobolka Sh/hoose hoose ayaa uga digay inay dib uga soo baxaan aaga dagaalka waxa uuna sheegay in maxkamada ay talaabo ka qaadi doonto Askarigii dib uga soo baxaa aaga

Jen Dhagabada oo ka hadlaayay arinta ku aadan qabsashada Deeganka Walaweyn ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayuu waxa uu sheegay inay tahay mid ay filanaayeen isaga oona xusay in xiligaani Kooxda Shabaab ay awoododa wiiqantay inta dhimana ay dhameystiri doonaan sida uu hadalka u dhigay

Jan. C/Kariim Yuusuf Aadan Dhegabadan waxa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda ee iminka qabsaday Walaweyn ay sii wadi doonaan Howlgalada Deegaanada Sh/Hoose waxa uuna sheegay Dhagabadan inay Ciidamada Dowladda ay kusii siqi doonaan Gobolada ku dhaw-dhaw Gobolka Sh/Hoose

Ugu danbeyntii Jen Dhagabadan waxa uu digniin u diray Ciidamada Dowladda Somalia isaga ooa sheegay in Askarigii dib uga soo baxo Aaga aysan cidna kala tashan doonin islamarkaana qaanuunka Maxkamada ka yaala lagu dhaqi doono. Sida uu hadalka u dhigay

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login