War ka soo baxaey Xafiiska La socodka Hay’adaha Ajnabiga ah ayaa lagu sheekagay in oggolaanshihii lagala noqdey hay’adda Islamic Relief, ogolaanshahaas oo siinayey hay’addu in ay ka shaqeyn karto goobaha xarakada al-Shabaab ka taliso.
Warka ayaa lagu sheegay in hay’addu dhegaha ka xiratey digniino badan oo horey lo siiyey, iyada oo barbarmartey waddooyinka Xarakada al-Shabaab u jeexday.
Shabaabka ayaa sheegay in ay Islamic Releif ku heleen in ay ballarisey shaqooyinka hay’adaha xanibaadu saaran tahay gaar’ahaan WFP, sidaas darteedna ogolaanshihii loogala noqdey.
Xarkada al-Shabaab ayaa horey uga mamnuucdey deegaanada ay ka taliyaan hay’ado badan oo gar-gaar, hay’adda Islamic Relief ayaa ka mid ahayd hay’adaha faro ku tiriska ah ee ku harsanaa deegaanada ay ka taliyaan, waxaa la isweydiinayaa xanibaada cusub ee la saarey hay’adda Islamic Relief cidda dhibane ku noqoneysa.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login