Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda halkaas oo la filayo in Maalinta Berito ah kaga qewb galo Munaasabada Sanadguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay Markii Ingiriiska Xuriyada ka qaateen Uganda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaana Safarkiisa maanta waxaa ku wehliyay Masuuliyiian sare oo katirsana Dowlada Soomaaliya ay kamid ahaayeen Xildhibaan Faarax C/qaadir, Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida,iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ka dagay Garoonka Diyaradaha ee Kampala waxaa halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyntii ugu sareesay Noloshiida uu la kulmo iyadoona Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kampala ay kusoo dhaweeyeen Madax sare oo katirsan Dowlada Uganda.
Garoonka Markii uu kasoo dagay Madaxweynaha ayaa loo dhigay Rooga Casaanka ah ee sida Caadiyan loo dhigo Madaxda Sare sidoo, kalana waxaa Madaxweynaha loo riday 21-Madfac oo soo dhaweyn ah,waxaa sidoo kale halkaasi salaan Sharaf uu kaga qaatay Ciidamada Bambeeda iyadoo loo tumayo Astaanta Qaranka Soomaaliyeed.
Waa Safarkii ugu horeesay Madxaweyne Xasan Sheekh uu ku tago Dalka Dibadiisa tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya iyadooan tani noqoneyso mid Taariiqi ah maadama ay tahay soo dhaweyntii ugu sareesay uu Noloshgiisa la kulamo.









|
|
![]() |
You must be logged in to post a comment Login