Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi dhamac Gaariye’ oo Maanta hargeysa lagu aasay

Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi dhamac Gaariye’ oo Maanta hargeysa lagu aasay

AUN Abwaan Maxamed Xaashi dhamac’gaariye’ ooa ahaa Abwaan ku caan baxay suugaanta dhawaana klu geeryooday Oslo-Norwey ayaa Maanta lagu aasayQabuuraha Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa waxaana aaskiisa oo ahaa mid aan loo kala harin ka qeybgalay Madaxweynaha Soomalailand Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo,iyo xubno ka Tirsan Maamulka Soomaliland,asxaabta qaranka,Ururada siyaasada,dadaweyanaha ku dhaqan hargeysa iyo nawaaxigeeda iyo waliba Marti shaarf kala duwan.

Marxuumka ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaayya isbitaalka ku yaala Magaalada Oslo ee dalka Norwey oo Howlo caafimaad lo geeyay waxaan uu ahaaa a Abwaan si weyn looga Yaqaan Gayiga soomalaidu degto,isago sameeyay suugaan kala duwan iyo Ruwaayado iyo maansooyin uu ku Cabirayay wadciga la marayo waxaana uu ahaa Hal abuure aragti dheer.

Yuusuf garaad Cumar Axmed oo ak mid aaha Musharxiintii 10kii Bishii Hore u tartamay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mida Marti sharafta ka qeybgashay aaska Marxuum Abwaan Gaariye waxaana uu soo gaaray dhawaan hargeysa Yuusuf garaad,sidoo kale qeybaha saxaafada Soomaalilan diyo faananiinta aya iyaguna ka qeybgali doona Aaaska Marxuum Abwaan Gaariye

Diyaarada siday Meydka Marxuumka ayaa saaka ka soo degtay garoonka Magaalada Barbera ee Gobolka saaxil

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login