Shabaab oo isaga baxay Buur-hakaba

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay ayaa sheegaya in Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab ay isaga baxeen Gabi ahaan Degmada Buurhakaba

Dadka Deeganka ayaa shabakada QARANIMO u xaqiijiyay in habeennimadii xalay ay arkaayen Ciidamada Alshabaab oo Gaadiidkooda iyo Ciidamadooda kasii baxaayo Degmada Buurhakaba iyaga oona u jiheestay Deegano lagu magacaabo Jameecada Xaaji Xaamud oo kutaala xadka

Dhanka kale wararka halkaasi aan ka heleyno ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay galeen dhul howd ah oo halkaasi ku yaala iyaga oo wata gaadiid fara badan iyo ciidamo

Kabixitaanka Alshabaab ee Magaalada Buurhakaba ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa Gobolo ay mudooyinkaani shabaab isaga baxaayen kadib dagaalo iyo duqeymo xoogan oo ay kala kulmeen dhanka Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo iyagu isku baheystay inay shabaab ka ciribtiraan gabi ahaan Somalia

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iminka ku sugan Magaalada Buurhakabo ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo halkaasi ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan Degmada Buurhakabo oo ay Al-Shabaab isaga baxeen.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login