Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle: Hambalyo Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Garaad (saacid)

Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaska bari ee beesha Sade Daarood

Gobolka Galgaduud iyo deegaanka puntland.

Anoo kuhadlaya magac guud ee beesha (Sade ) daarood wuxuu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Ra’iisul WasaareRa’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Garaad (saacid) ) oo Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya mudane u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jagada Wasiirka Koowaad ee dawladda ee Jamhuuriyda soomaaliyeed .
 
Waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay ku guuleeyo masuuliyada. Ilaahay in uu u sahlo gudashada xilka loo doortay. Waxaan aaminsanahay in R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad uu leeyahay kartidii aqoontii iyo xirfadii uu wadankii ku hogaamin lahaa Jamhuuriyda soomaliiyed .gaar ahaan nabad kusoo celinta dalka , hormarinta wadanka iyo difaaca wadanka.
 

Waxa kale oo aan hambalyo diiran u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaarim inuu Alle u fududeeyo gudashada wa ajibaadka horyaala,ilaa hay ha idinku asturo xilka aad qaadeen oo aanu idinka rejaynayno in aad ku guulaysan doontaan. Insha’Allah

 
Waxaan kale oo hambalyo u dirayaa dhammaan Shacabka somaliyeed .
 
dhamaan shacabka soomaaliyeed waxaa inala gudboon inaynu u ducayno Ra’iisul Wasaare cusub ee jamhuriyada Somaliyeed waayo waa aayaheenii umada , masiirkii umada, mustaqb alkii umada , jiritaankii qaranimada somaliyeed, waa dhamaan manfaceenii ee haloo duceeyo mas`uuliyiinta wadanka inaan illaahy tusun wax dhibaka ku ah shacabaka . waxkastoo khar uleh dadka iyo dalkana in illaahy ufududeeyo oo ay si sahlan kufuliyaan hawlaha qaranka ee qabsoomi wa ayay mudooyinkii lasoo dhaafay .
 
 

Arlington, Virginia USA

 

wa bilaahi towfiiq. 

Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaska

703-401-8292

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login