Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornel Cali Aadan Xumed oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay weerar Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen Kollonyo gaadiidka AMISOM ah oo maraya inta u dhaxeysa deegaannada Carbiska iyo Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Weerarkaasi looga gubay Gaadiid dagaal. Hase ahaatee waxaa uu sheegay in Al Shabaab lagu ogyahay inay soo qaadaan weeraro gaadmo ah, wuxuuna intaasi ku daray inay jiraan Askar ka dhaawacantay AMISOM oo la jiifiyay Xarumaha AMISOM sida uu hadalka u dhigay.
Kornel Cali Aadan Xumed ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Ciidamada Al Shabaab ay ka qabsadeen hub, waxaana uu sheegay in Ciidamada AMISOM markii qaraxa lala eeganayay ay kusii jeedeen degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgallo ay ka sameyeeen degmada Wanlaweyn ay kusoo qab qabten rag loog shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo uu tibaaxay in baaritaanno lagu wado.
Inta badan wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa ka dhaca dagaalo gaadmo ah oo ay Shabaabku ku qaadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee isticmaala wadadaasi.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login