Cali Mahdi ‘Ciidamada iyo Shaqaalaha waxaa kufilan dhaqaalaha Dekadda’

Madaxweynahii hor ee dalka Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Madaxweynahii hor ee dalka Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda aysan heynin waxa Mushaar la’aan ah, wuxuuna Tilmaamay in laga Maarmi karo dhaqaalaha ay Qaramada Midoobe ku bixiso Dalka Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed  ayaa tilmaamay Ciidamada iyo shaqaalaha Xafiisyada  Dowlada ay kaafin karto dhaqaalaha ka soo baxa Dakadda Muqdisho oo kaliya oo uu ku sheegay in uu aaminsanyahay in Bishii ay ka Soo baxdo 50 Milyan oo Doolarka mareekanka ah.

Sidoo kale Cali Mahdi ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya haddii ay Musuq maamusa uu ka boxo ay kadib ka Bexeyso KMG, wuxuuna shaaca ka qaaday in Dowladda Cusub ay sugayaan in ay wax badan ka badaan Xaaladda dalka Soomaaliya.

Ugu Danbeentii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo haatan ah Oday Soomaaliyeed uu sheegay in dhamaan loo bahanyahay dhaqaalaha dalka ku jiro la soo saaro, Soomaaliyana looo Horseedo waji Cusub oo Wax qabsi ah.

 .

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.