Ciidamada Dowlada oo kusii siqay Buur-hakaba

Wararka naga soo gaarayo degmada Buurhakabo ee gobalka Baay  ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan halkaas, kuwaasoo ay ka wadaan ciidamada dowladdda iyo kuwa AMISO oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay ka wadan dhaqdhaaqaq ay ku doonayaan in ku tagaan degmada Buuhakabo sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka AMISOM.

Shaley ayaa la sheegay in Al-Shabab ay ka baxday Buurhakabo, laakin xaley ayey dib ugu soo laabteyn sida ay sheegayaan dadka deegganka.

Ciidamda dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay horrey u qabsaday garoonkii ciidanka cirka ee Balli-doogle oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka waxa kaloo ay labo maalin ka hor qabsadeen ,degmada Wanlaweyn oo ah degmo uu garoonku u dhow yahay.

Al-Shabaab deeggano badan ayaa laga qabsaday tan iyo sannadkan, waxa ugu dambeesay magaalada Kismaayo oo ahayd halkii ay ku xooganaayeen .

Degmada Buurhakabo ayaa la soo sheegayaa saaka in wax dhaqdhaaqaaq ah oo xagga nagacsiga iyo gaadidka oo sidaas u baaran uusan ka jirin.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.