Dowlada Somalia “waa naga go’an in aan la wareegno meel walib…”

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabay in gabi ahaanba Al-Shabaab ay ka saari doonaan meel waliba oo ay ka joogaan Soomaaliya.

Ibraahim yarrow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya sidoo kalana ah taliyaha ciidamada dowlada ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay Al-Shabaab ka saaraan meel waliba oo ay joogaan.

“waa naga go’an in aan la wareegno meel waliba oo ay joogaan kooxda Al-Shabaab in aan gaarno oo aan ka saarno Al-Shabaab”sidaa waxaa yiri Ibraahim Yarow oo ka mid ah saraakiisa dowlada Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay dagaalo kula jiraan kooxda Al-Shabaab ayaga oo kaashanaya ciidamada AMSIOM ee jooga Soomaaliya, waxaana wali ay ku suganyihiin Al-Shabaab qaybo ka mid ah gobalada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa wali awood ku leh deegaano ka tirsan gobalada Soomaaliya waxaana la aaminsanyahay in heestaan dagaalyahano ajaanib ah kuwaasi oo ka bar bar dagaalamaya.

Dhowaan ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen degmada Wanlaweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose oo ay mudo ka ariminayeen kooxda Al-Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.