Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa sheegtay in maanta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dalkaasi kulamo gaar gaar ah uu kula yeelan doono mas’uuliyiin ka socota caalamka ka hor inta aysan billaaban munaasabadda xuska dalkaas.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa sheegay in maanta uu madaxweynaha si gooni gooni ah ula kulmi doono madax ka socota beesha caalamka oo uu ugu horreeyo wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Talyaaniga iyo dhiggiisa dalka Kenya.
Sayid Axmed ayaa xusay in sidoo kale madaxweynaha uu la kulmi doono marka ay dhammaato munaasabadda xuska xorriyadda Uganda madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Munaasabadda xuska maalinta xorriyada dalka Uganda oo maanta ku beeggan ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeedin doona madaxda dowladda waddankaasi kaliye.
Share on Facebook
![]() |
Socialize